912 Views

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo ka jawaabtey eedeyntii NISA ee Haaruun Macruuf

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo ka jawaabtey eedeyntii NISA ee Haaruun Macruuf
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 5, 2020 –War kasoo baxey Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Wariye Haaruun uu yahay wariye xirfadle ah islamarkaana Hay’adda NISA ay ku xad gudbayso xorriyadda Saxaafadda.

 

“Haaruun Macruuf waa xirfad-yaqaan la ixtiraamo, waana Saxafi ka tirsan VOANews, waa mid kamid ah saxafiyiinta Soomaalida ee ugu saameynta badan. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya”

 

 

 

Labadii Bishaan ayaa Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya qoraal ay ku daabacddey barteeda twitter-ka waxaa ay ku sheegtay in Wariye Haaruun Macruuf talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadayso,iyaga oo sheegay in uu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.

 

Wariye Haaruun Macruuf oo hadda ka howlgalla Idaacadda Voa-da ayaanan weli ka jawaabin eedeynta uga timid Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment