924 Views

C/raxmaan C/Shakuur oo dhaliilay Kulankii Farmaajo & Madasha Xisbiyada

C/raxmaan C/Shakuur oo dhaliilay Kulankii Farmaajo & Madasha Xisbiyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2019 –Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna Hoggaamiyaha xisbiga wadajir ayaa aad u dhaliilay  kulankii dhawaan Villa Soomaaliya ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada Qaran oo ay horkacayeen Madaxweynayaashii hore ee Somalia ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh.

 

Waxaa uu sheegay in kulankaasi diyaarintiisa uu lahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin,waxaana uu sheegay in ay layaab tahay waxa siyaasad geliyey Taliye Ciidan waliba Hay’adda NISA.

 

 

 

Sidoo kale Siyaasiga oo ka  hadlayay kulan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka ayuu sheegay in kulankaas uu ka maqnaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo aan lagu casuumin taasina ay muujineyso khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha sida uu hadalka  u dhigay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment