1245 Views

Mas’uuliyiinta kubadda cagta Somaaliya oo shaqada ka eryay tababarihii kubadda cagta Soomaliya

Mas’uuliyiinta kubadda cagta Somaaliya oo shaqada ka eryay tababarihii  kubadda cagta  Soomaliya
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Mas’uuliyiinta kubadda cagta ee Somaaliya ayaa shaqada ka eryay tabaabaraha kubadda cagta ee Soomaliya Salif Abdulladiif oo dhawaan heshiis u saxiixay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya si uu u leeliyo xulka qaranka Soomaaliya.

Tababarahan u dhashay dalka Morocco ayaa maalmihii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imanayay maamulka xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta shaqada looga joojiyay tababaraha.

Xulka Soomaaliya oo haattan ku sugan dalka Djibouti ayaa u diyaar garoobaya tartanka FIFA Arab Cup ee lagu qaban doono dalka Qadar iyagoo 20-ka bishan June la cayaari doona dalka Cumaan, waxaana xulka Soomaaliya u safan doona cayaartooy u badan gurba-joog.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post