1038 Views

Maxaad kala socotaa shirka lagu falanqeeyay arimaha Soomaaliya ee ka qabsoomay Brussels?

Maxaad kala socotaa shirka lagu falanqeeyay arimaha Soomaaliya ee ka qabsoomay Brussels?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 27|  2020—Magaaladda Brussels waxaa lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) iyo Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub (EU PSC) kaas oo laga hadlayay taageerada Midowga Yurub ee Afrika, qaab-dhismeedka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, iyo iskaashiga AU-EU.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u gudoomiyay Danjire Osama Abdelkhalek oo Wakiilka Joogtada ah ee Masar uqaabilsan midowga Africa isla markaana ah gudoomiyaha guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika sanadkaan uga qayb galayay shirka Brussels ee AU-EU iyo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga ee Yurub Ambassador Sofie-From Emmesberger.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in shirkaasi looga hadlay xaaladda gobolka Saaxil, Suudaan iyo si gaar ah arimaha Soomaaliya ee amaanka, doorashooyinka, geesi socodka siyaasadda, dib u eegista dastuurka wadahadaladda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyadda dalka.

Qoraalka laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu yiri “AU iyo EU waxa ay soo dhoweeyeen horumarka ay sameeyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (FMS), oo ay kujirto qabashada geeddi socodka wadatashigii Dhuusamarreeb taas oo keentay heshiiskii qaabka doorashada. doorashooyinka qaran ee 2020/21. Waxa ay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo hirgelinta qaabka doorashada ee lagu heshiiyey iyo in la hubiyo in si nabad ah oo hufan loo gaarsiiyo doorashada. AU PSC iyo EU PSC waxay soo dhoweeyeen dib u soo celinta wadahadalada wax ku oolka ah iyo iskaashiga u dhexeeya DFS iyo FMS ee ujeedkiisu yahay in laga adkaado Al Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada, iyo sidoo kale xaqiijinta soo celinta nabada iyo amniga Soomaaliya”.

Midowga Yurub iyo Afrika ayaa ugu baaqay Jilayaasha siyaasadda ee Soomaaliya in ay ka qayb qaataan soo celinta amaanka iyo xasiloonada Soomaaliya iyaga oo dalbaday in la dar-dargaliyo dhamaystirka dastuurka ku meelgaar ah ee Soomaaliya.

“AU PSC iyo EU PSC waxa ay carrabka ku adkeeyeen in soo celinta nabadda iyo amniga Soomaaliya ay tahay in ay diiradda saaraan dhammaan jilayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo in DFS iyo FMS ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan qaab federaal ah oo ay hoos imaanayaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. AU PSC iyo EU PSC waxa ay fiiro gaar ah uleeyihiin hanaanka ay hada u socdaan dib u eegista Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya (STP) oo ay hogaamineyso DFS iyadoo kaashanaysa AU iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxayna ku boorisay dhamaan dhinacyada howsha wada in ay diirada saaraan dhameystirkiisa, sida ugu dhaqsaha badan iyo sida ugu macquulsan. Intaa waxaa dheer, waxa ay ugu baaqeen dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed in ay si firfircoon u dabagalaan ka qayb qaadashadooda ku aaddan dhammaystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka” ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray shirka golayaasha amaanka ee midoga Afrika iyo Yurub.

War-murtiyeedka ayaa waxaa loogu mahadceliyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) kaalintii ay ka geysteen amaanka Soomaaliya iyo Wadamada Ciidamadooda Ku Biiriya Booliska AMISOM si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, horumarinta nabadda, xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya ee siyaasadeed iyo dhuleed, iyaga oo ku boorriyay dhammaan Saaxiibada Soomaaliya sii wadista geeddi-socodka nabadda iyo dowladnimada wadanka dhaca geeska Afrika.

“Waxay ku dhiirigeliyeen AMISOM in ay xoojiso dadaalkeeda ku aaddan wax ka qabashada nabadda iyo caqabadaha amniga ee Soomaaliya, gaar ahaan baabi’inta kooxda argagixisada ah ee al Shabaab. AU PSC iyo EU PSC waxa ay isla garteen sidoo kale in ay sii taageeraan doorka AU iyo IGAD oo ah wakiilka xasilinta gobolka” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in loo baahan yahay horumar dheeri ah, waxa ayna sheegeen in ay ku taageerayaan  DFS iyo FMS dar-dargalinta howlaha tababaradda ciidamada si ay u qabsadaan una sugaan amaanka dhamaan goobihii ay AMISOM ka saartay al-Shabaab waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) loo diyaariyo in ay amaanka la wareegeen wixii ka dambeeya 2021.

“AU PSC iyo EU PSC waxay fiiro gaar ah siiyeen wadatashiyada socda ee ku saabsan qabashada shir amniga ah 30-ka Nofeembar 2020, oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, ujeedkiisuna yahay kobcinta taageerada hirgelinta Qorshaha Kalaguurka ee la casriyeeyay. Si loo waafajiyo qaab-dhismeedka nabadgelyo ee ku habboon xalka Soomaaliya ee wixii ka dambeeya 2021” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub waxa ay muujiyeen walaac qoto dheer oo ku aadan dhibaatada bina’aadanimo ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, taas oo ay xoojiyeen daadadka, Ayaxa, iyo cudurka cusub ee coronavirus, waxa ayna ka codsadeen Beesha caalamku in ay xoojiso taageerada bani’aadamnimo ee Soomaaliya iyo in saaxiibbada caalamku bixiyaan $ 1 bilyan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee haysta Soomaaliya.

 European Council and Diplomaticintelligence.eu


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post