1920 Views

Duqa magaalada Muqdisho Eng Yarisow oo sheegaya inuu ka shaqeyn la’ yahay siyaasiyiin iyo xildhibaano

Duqa magaalada Muqdisho Eng Yarisow oo sheegaya inuu ka shaqeyn la’ yahay siyaasiyiin iyo xildhibaano
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday inuu ka shaqeyn la’ yahay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Eng Yarisow guddoomiyaha gobolka Banaadir  oo muddo saddex bilood ah haya  xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir  isbedel badana oo dhinaca horumarka ah laga dareemay mudadii uu xilka hayay ayaa sheegay in saddexdaa bilood ee uu xilka hayay uu la tacaalayay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay uga adeegi la’ yihiin Shacabka.

Waxa uu sheegay in rag ay saaxiibo yihiin oo isugu jira Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin ay Xafiiskiisa yimaadaan,iyaga oo Shacabkii loo Shaqeyn lahaa cariiriya.

“Runtii muddo saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Wasiiro danley ah oo xafiiskeyga soo buux dhaafiyey una shaqeyn waayey bulshadii aan madaxda u ahaa laakin hadda xal ayaan ka gaaray oo waqti ayaan u sameeyey ayuu yri guddoomiye Yariisow.”ayuu yiri  duqa  magaalada Muqdisho.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay xildhibaano iyo wasiiro ay ugu yimaadaan sidii dad loogu fulin lahaa dano gaar ah taasna ay tahay mid aan xaq ahayn.

Warar soo baxayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ka joojiyay mushaaraad ay ka qaadan jireen siyaasiyiin ku dhow dhow madaxtooyada,haatana lagu bilaabay dacaayado wax loogu dhimayo  shaqsiyadiisa taasoo laga dareemayo shaqsiyaad ku dhow dhow  madaxda ugu sareysa dalka.

Halkan ka dhagayso Duqa magaalada Muqdisho oo ka hadlaya siyaasiyiinta uu ka shaqeyn la’ yahay.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment