1017 Views

Ergooyin kusii qulqulaya Gaalkacyo ka dib Shirkii Xaaf ku dhawaaqay

Ergooyin kusii qulqulaya Gaalkacyo ka dib Shirkii Xaaf ku dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 11, 2020—Qaar ka mid ah beellaha degaanada maamulka Galmudug ayaa ergooyin u diray Magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu kaga dhawaaqay dhismaha maamulka Galmudug.

 

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa gaaray qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka degaanada Galmudug oo kasoo horjeestay xildhibaanadii shalay looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Qaar ka mid ah Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dhanka Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Shaqooyinka loo idmaday, waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn Xildhibaanada looga dhawaaqay Dhuusamareeb.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay taallo gogol lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay,islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay hareermartay dhismaha Galmudug.

 

Khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii la badalay qaar ka mid ah Odayaashii Saxiixayeyaasha Galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment