1344 Views

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland oo ka hadlay xarigga Wariye Coldoon

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland oo ka hadlay xarigga Wariye Coldoon
____________________________________________________________________________

.


Talaado: August 31, 2021

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland,  Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa war cusub ka soo saaray xarigga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, isaga oo ka jawaabay dalabka ka soo yeeray Sheekh Cabdirisaaq Jiir oo ahaa in xorriyaddiisa si deg deg ah dib loogu celiyo Wariyaha xian.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi ayaa shaaca ka qaaday in qof kastaa oo khaldama la xirayo, sidoo kalena ka wasaarad ahaan ay iyagu u taagan yihiin ilaalinta diinta iyo dhaqanka

“Diinta cid walba anaga ayaa uga lexejeclo badan ilaalinteeda, idiinma sheegno shaqadaanu hayno, inta qof ee diinta ku khaldamee laga saaro dalka la idiinma tiriyo, qofku hadduu khaldamo yaan la xidhin meelna kuma taalo adduunka” ayuu yiri wasiir Sheekh Khaliil.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dambi tahay in diin aan aheyn tan islaamnka lagu faafiyo guud ahaan deegaanada Somaliland.

“Dalkan diinta islaamka diin aan ahayn in lagu faafiyaa waaba danbi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.

Sidoo kale Coldoon oo loo heysto kiisas xasaasi ah ayaa haatan u xiran Somaliland, waxaana isa soo tarayo baaqyada soo baxaya ee ku aadan in si deg-deg ah loo siiyo xorriyaddiisa.

Office Naikrobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post