441 Views

Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo baaq u diray Musharraxiinta xilka Madaxweynaha

Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo baaq u diray Musharraxiinta xilka Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Guddiga isku Dhafka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ugu baaqay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha in ay usoo gudbiyaan Musharax kaste halka  qof ee codadka u tirinaya doorashada berri ka dhici doonto teendhada Afisiyooni.

Baaqa Guddiga ayaa siddaan u qornaa:

Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.

Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda

FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post