3909 Views

Qofkii saddexaad ee Soomaali ah oo sanadkan lagu dilay magaalada Toronto

Qofkii saddexaad ee Soomaali ah oo sanadkan lagu dilay magaalada Toronto
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 11 February, 2016: Dilalka xiriirka ah ee loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sii kordhaya, iyadoo bilowga sanadkan la dilay illaa 3 Dhalinyaro Soomaali ah.

Sharma’arke Faarax oo ahaa 17 jir ayaa Axadii la soo dhaafay lagu dilay Toronto, waxaana shalay lagu aasay isla magaaladaas.

Xuseen Nuur Xaaji oo ah wariye degan magaalada Toronto oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay magaaladaas 12 dhalinyaro oo 3-ka mid ah ay Soomaali yihiin.

Waxaa uu sheegay in labo todobaad ka hor in isla magaalada Toronto lagu dilay Wiil Soomaali lagu magacaabayay Siciid Qeyliye, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday Toorey.

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in dilkaas ay u qab qabteen dad dhowr ah, hase ahaatee bulshada Soomaalida ee degan Toronto ayaa walaac ka muujiyay dilalkan soo kordhaya ee ayaga gaarka u ah.

Dilalkan ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxo burcad ah, waxaana hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ku baaqeen in Soomaalida midoobaan, isla markaana dhalinyarada la wacyi geliyo si arintaan xal loogu helo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment