1374 Views

Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn Jarmalka oo xagjir lagu tilmaamay

Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn Jarmalka oo xagjir lagu tilmaamay
____________________________________________________________________________

 3-da Marso, 2021

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa tabisay wakaaladda sirdoonka gudaha dalkaasi iney xisbiga ugu weyn ee mucaaradka dalkaasi – the Alternative fuer Deutschland – ay u aqoonsatay urur xagjirnimo looga shakisan yahay.

Wakaaladda Sirdoonka oo muddo laba sana ah baaritaan ku haysay ururka AfD waxay ka soo diyaarisay qoraal dhan kun-bog oo ay ku soo bandhigtay caddeymaha inuu xisbigan siyaasaddiisu garabka midig tahay xagjirnimo looga shakisan yahay.

Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah oo kuraas ku leh baarlamaanka dalka Jarmalka lagu tilmamo xisbi xagjir ah tani iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Xisbiga AfD wuxuu dhankiisa isku dayayaa inuu go’aanka wakaaladda Sirdoonka uu buriyo maadaamaa ay saameyn taban ku yeelaneyso codka uu xisbigaasi ka heli lahaa doorashada soo socota ee dalka Jarmalka.

Xisbiga AfD oo lagu yaqaanno muslim nacaybka ayaa soo caan baxay sanaddi 2015-kii marki ay dalka Jarmalka soo galeen muhaajiriin tiradooda kor u dhaafeyso hal mayan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post