924 Views

Deni iyo diyaano oo yeeshay kulan ay isku mari waayeen.

Deni iyo diyaano oo yeeshay kulan ay isku mari waayeen.
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 2, 2022

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankii ugu horreeyqy ee dhexmaray Madaxweynaha DG Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii uu xilka qaadista ku sameeyay ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano in uu kusoo dhammaaday isfaham waa, iyadoo aan xal laga gaarin khilaafkii labada masuul hareeyay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin lagu kalsoonyahay oo ka agdhow dhinacyada.

Madaxweyne Deni iyo Agaasimaha waxaa kulanka ku wehlinayay islamarkaana horkacayay Boqor Burhaan Boqor Muuse, iyadoo kulankaas ay ku yeesheen Madaxtooyada uu ahaa  mid u xirnaa albaabada isagoo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Boosaaso.

Sidoo kale, Dhankiisa Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa la sheegay in uu ka dalbaday Maxamuud Diyaano in uu aqbalo dikreetadii looga qaaday xilka Agaasimaha PSF, islamarkaana xilka wareejiyo, kadibna loo fulin doono wixii uu dowladda ka rabo.

Balse waxaa la tilmaamay in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano uu  diidmo ka muujiyay dalabka Madaxweynaha, isagoo codsaday in dowladdu fuliso go’aankii u dambeeyay ee Isimada, kadibna la xalliyo wixii khilaaf ah ee jira.

Dhinaca kale go’aankii ugu dambeeyay ee Ismada dhaqanka Puntland ayaa ah mid dhigaya in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Agaasimaha PSF, kadibna la heshiisiiyo isaga iyo Madaxweyne Siciid Deni iyo kuwa kale.

Kulanka ayaa la sheegay in uu kusoo dhammaaday Natiijo la,aan, iyadoo maanta oo Arbaco ah si gaar ah galinka dambe lagu balamay in dib lis kugu laabto, maadama wali madmadow uu jiro oo aan la dhameyn khilaafka labada dhinac.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post