264 Views

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo toddobaadkii saddexaad howlgallo ka wada Gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo  toddobaadkii saddexaad howlgallo ka wada Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Isniin:January 30, 2023 

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa toddobaadkii saddexaad howlgallo ka wada Gobolka Mudug.

Howlgalladda ayaa qayb ka ah gulufka la doonayo in lagu wiiqo Ururka Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Ciidamada oo maalmihii ugu dambeysay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday deegaanada ku dhow dhow Degmada Xarardheere ayaa markaan u jeestay, sidii ay ula wareegi deegaanada dhaca koonfurta gobolkaasi.

Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo midkaasi barbar-socdo ayay sidoo kale ciidamadu ka wadaan Degmada Wisil, iyada oo lagu kaabi doono ciidamada ka soo socda dhanka Degmada Xarardheere.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan Degmada Xarardheere ayaa Saraakiisha Ciidamada faray in ay dardargeliyaan hawlgalada Shabaabka looga sifeynayo Gobolada Dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post