765 Views

NISA oo deegaano aan ka fogayn Beledweyne kala wareegtay Al-shabaab kadib Markii ay ka baxeen halkaas.

NISA oo  deegaano aan ka fogayn Beledweyne kala wareegtay Al-shabaab kadib Markii ay ka baxeen halkaas.
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada B/weyne ayaa sheegaya in  Ciidamada nabad sugida ee dowladda Soomaaliya ee ka  howl-gala Gobolkaas ay gaareen Deegaano ka tirsan Gobolkaas oo Shabaab ka baxeen.

Wararka ayaa sheegaya in Howl-galkan si gaar ah  looga sameeyey deegaano hoos-yimaad magaalada Beledweyne oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Deegaanadaas ka baxay sida uu sheegay Taliyaha NISA ee degmada Beledweyne

Taliyaha NISA ee degmada Beledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si nabadoon ku gaareen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii ay isaga baxeen xooggagii Al-Shabaab ee horay ugu sugnaa halkaasi.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post