2457 Views

Halkee Bay Maraysaa Isku Shaan Dheenta Golaha Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed ?

Halkee Bay Maraysaa Isku Shaan Dheenta Golaha Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017–Wararka Ka Imaanaya madxtooyada maamulka koon fur galbeed ee baydhabo ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo  lagu wadaa in saacaddaha soo socda  uu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulamo la qaadanayay maalmahan Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo kala tashanayay isku shaandheynta , waxaana la sheegay in uu soo gabagabeeyay Shalay gelinkii dambe Maanta lagu dhawaaqi doono Wasiiradda.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa badankood sheegay in ay ka codsadeen Madaxweynaha in isbadal lagu sameeyo Golaha Wasirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan Wasiiro aanan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.

Maamulka Koofur Galbeed oo labo sano ka hor lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, wuxuuna sameeyay hormar aan sidaas u badneyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment