1122 Views

Sawiro:-Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Dadkii Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb

Sawiro:-Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Dadkii Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ay yeeshaan Gollaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arimaha Amaanka ,Dhaqaalaha, Siyaasadda, waxaana warbixin ku Aadan Amniga laga dhageystay wasiir ku xigeenka wasaarada amniga gudaha KGS isaaq Baarrow isaaq waxaana uu ka warbixiyey howlgalada ay wadaan Ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM  ee ka socda Gobolka shabeellaha Hoose kaasi Al-shabaab dalka looga saarayo.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Gudoomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka koonfur Galbeed waxaana warbixin ku aadan habsame usocodka shaqada ay ka dhageysteen Golaha wasiirada iyo Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ,

Shirka ayaa waxaa si weyn looga hadley Dhacadadii Foosha Xumeed Ee ka dhacdey Deegaano hoos yiimada Magaalada Dhuusmareeb, oo lagu diley Shacab ganacsata ah oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ,

 

Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu Horeeyo Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa tacsiyo tiiraayo le ay udireen eheladii iyo qarabadii ay ka geriyooden dadkaas, waxaana ay xuseen in sida ugu dhow lagu soo qabanaayo dadkii dilka ugeystay dadkii shacabka ahaa Ee aan waxba galabsan iyadoona ay la kaashan doonan Dowlad Goboleedka Galmudug ,lana horkeeni Doono Sharciga.

 

Shirka oo ahaa mid inta uu socday badankiisa diirada lagu saarayey arimaha dilka loo geystay dadkii shacabka ahaa Ee kasoo jeedey KGS ayaa markii uu soo cidlaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada Koonfur Galbeed Xasan Abdi Maxamed .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment