720 Views

Mudarahaad loogu magac daray Ilmihii Eritrea loo qaaday aaway oo muqdisho ka socda daaqo Muuqaalka

Mudarahaad loogu magac daray Ilmihii Eritrea loo qaaday aaway oo muqdisho ka socda daaqo Muuqaalka
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Waxaa Magaalada Muqdisho goor dhawayd ka bilaawday  dibad-bax ballaaran oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Mudarahaad loogu magac daray Ilmihii Eritrea loo qaaday aaway  ayaa ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Waxayna wataan boorar ay ku qoranyihiin Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo iyo Madaxweynaha Eritra afawerk.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritra loo qaaday aaway? inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo iyo erayo kale.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, si ay u kala dareeriyaan dibad-baxayaasha oo maanta si nabadoon isugu yimid isgoyska KM4.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post