861 Views

Soomaaliya oo laga xusay maalinta ciribtirka xadgudubyada ku dhaca haweenka

Soomaaliya oo laga xusay maalinta ciribtirka xadgudubyada ku dhaca haweenka
____________________________________________________________________________

Sabti: November 27, 2021

 Xaflado ay horkacayaan Qaramada Midoobay ayaa shalay oo ku beegneyd 26-ka November ka kala dhacay guud ahaan dalalka caalamka,gaar ahaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Maalintaan  oo ku asteysan Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay 54/134) ayaa ujeedku yahay in lagu baraarugo in haweenka adduunka ay la kulmaan kufsi, xadgudubyo qoys iyo tacadiyo kale.

“Waxaan soo dhaweyneynaa guuxa codadka ee ku baaqaya in la joojiyo rabshadaha iyo xadgudubyada ku dhaca haweenka,waxaanna sidoo kale bogaadineynaa hoggaamiyeyaasha gacanta ka geysanaya dejinta iyo hirgelinta shuruucda iyo beddelka lagu ilaalinaayo dumarka”sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Fariinta 25 Noofambar ee sanadkaan ayaa ah in dunidu ay u soo jeestaan sidii loo ilaain lahaa xuquuqda haweenka,isla markaana loo joojin lahaa xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Qaramada Midoobay waxay ku dhiirigelinayaan dawladaha, ururada caalamiga ah iyo NGO-yada inay sanad kasta ay abaabulaan xusas lagu taageerayo xuquuqda haweenka,gaar ahaan maalinta caalamiga ah ee 25-ka Nov.

Dhinaca kale, Xubno wasiiro ah iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa  ka qeyb galay xaflad loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka  taas oo lagu qabtay   Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Munaasabadan oo ay soo agaasintey Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee Gaalkacyo waxaa ugu horeyn ka hadlay Safiyo Sigaale oo wakiil ka ah Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee Gaalkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Maxamed Cali Alaale ,iyagoo ka waramay tacdiyada loo gaysto haweenka iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan Macalin Xasan  ayaa ugu danbeyn ku dheeraaday dhibaatooyinka  ay ku keenaan haweenka tacdiyada loo gaysto wuxuuna bulshada u soo jeediyay in la joojiyo  tyacadiyada lagula kacyo haweenka .

Olole ka dhan ah tacdiyada lagula kaco haweenka ayaa lagu wadaa in mudo lix iyo toban cisho ah uu ka dhoco gudaha dalka Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post