858 Views

Ku dhawaad 5 qof oo ku dhimatay Qaraxii ka dhacay albaabka hore ee taliska guud ee ciidamada Asluubta

Ku dhawaad 5 qof oo ku dhimatay Qaraxii ka dhacay albaabka hore ee taliska guud ee ciidamada Asluubta
____________________________________________________________________________

 April 28-2021

Wararka ka imaanaya Duleedka Muqdisho ayyaa sheegaya in ay jirto qasaare ka dhashay Qaraxii saakay ka dhacay albaabka hore ee taliska guud ee ciidamada Asluubta oo u dhaw isgoyska Ex-Control Afgooye.

sida uu saxaafada u sheegay Madaxa gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambalaas ayaa Xaqiijiyay ku dhawaad dhimashada ilaa 5 qof oo shacab ahaa kuwaas oo mararar wadada.


Dadka rayidka ah ee dhintay ama dhaawacmay ayaa marayay wadada hormarta xarunta ciidamada Asluubta xilligii uu qaraxaasi dhacayay.

Illaa hadda ma cadda haddii uu jiro khasaare soo gaaray ciidanka Asluubta ee dagan xarunta la weeraray saakay.

Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka soo saaraan khasaaraha qaraxaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post