1410 Views

SAWIRO:-RW Kheyre uu Dhuusamareeb kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

SAWIRO:-RW Kheyre uu Dhuusamareeb kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)  Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaaladaas  gaaray.

 

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

 

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada Al-Shabaab  uga sugan yihiim Galmudug.

 

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si  guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

 

Mas’uuliyiinta beesha caalamka ee  Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment