1335 Views

Muwaadin u dhashay waddanka Britain oo ka sheekeeyay sida uu been ugu sheegay dagaalyahannada Taalibaan

Muwaadin u dhashay waddanka Britain oo  ka sheekeeyay sida uu been ugu sheegay dagaalyahannada Taalibaan
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 14, 2021

Muwaadin u dhashay waddanka Britain ayaa ka sheekeeyay sida uu been ugu sheegay dagaalyahannada Taalibaan si uu gudaha ugu galo Afgaanistaan ka dibna qoyskiisa u soo badbaadiyo.

Muwaadinkan reer Britain oo lagu magacaabo Mansoor, waxa uu arkay baasaboorro British ah oo garoonka diyaaradaha ee Kabul lagu jarjarayo oo la tuurayo.

Mansoor ayaa UK u guuray 10 sanadood ka hor, wuxuuna ku safrayay baasaboor British ah. Balse xaaskiisa iyo gabadhiisa laba sanno jirka ah waxa ay ku noolaayeen magaalada Kabul. Saddexdooduba waxaa u suuragashay inay Afgaanistaan ka soo baxsadaan, bishii Agoosto haatanna waxay ku nool yihiin dalka Britain.

Mansoor wuxuu markii hore u diyaarad ku tagay magaalada Tashkent ee waddanka Uzbekistan, kaddibna waxa uu galay safar dhulka ah isagoo 750-mayl jaray, kaddibna wuxuu tagay magaalada Kabul. Xilligaas waxaa sii kordhayay awoodda Taalibaan ay ku leeyihiin gudaha waddanka Afgaanistaan.

Markii uu gaaray xadka Afgaanistaan, ayuu Mansoor sheegay in dagaalyahannada Taalibaan ay waydiiyeen su’aalo adag oo ku saabsan sababta uu dib ugu soo laabanayo Afgaanistaan.

“Waxaan u sheegay in aan dib u soo laabtay maadaama ay Taalibaanku soo laabteen. Been ayaan u sheegay,” ayuu yiri.

Mansoor ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu qoyskiisa dib ugu laabto oo uu halkaas ka soo daadgureeyo sababtoo ah wuxuu aaminsanaa in gabadhiisa aanay wax mustaqbal ah ku dhex lahayn maamulka Taalibaan.

“Ma eegi karin gabadhayda oo dhibaato wajahaysa. In gabdhaha la dhibana waxay meel ka dhac ku tahay xuquuqda aadanaha.”

Qoyskiisa waxay haysteen dhowr daqiiqadood si ay alaabahooda u uruursadaan, ka dib diyaarad ayey ka soo raaceen magaalada Kabul.

Balse Dhowr jeer ayay, isaga iyo qoyskiisa, tageen aagga garoonka diyaaradaha, intii uu ku dadaalayay inay isaga baxaan Afghanistan. Markaas Dagaalyahannada Taaliban, oo ku sugnaa bannaanka garoonka, ayaa dadka garaacayay, mararka qaarna rasaas ayey hawada u ridayeen.

Mansoor Khan ayaa sheegay in markii qaar ka mid ah dadka ay dhiibteen baasaboorro British ah, ay la tageen Taalibaan, kaddibna ay jarjareen. Waa sababta aan u cabsaday oo aan guriga ugu noqday.

Mansoor ayaa sheegay in saraakiisha Britain ay u qabteen hal saac si uu garoonka u yimaado. Waxa uu sheegay in markii uu garoonka diyaaradaha gaaray uu arkay qiiq iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa oo meel walba ka qiiqaysa.

“Balse markii ay arkeen baasaboorkayga, xaaskayga iyo gabadhayda, waxa ay ii sheegeen in afar saacadood kaddib uu jiro duulimaad ka baxaya garoonka. Markii aan arkay ciidammada Britain aad ayaan u farxay.”

Mansoor waxa uu magaalooyin kala duwan oo ku yaal UK ku leeyahay dukaamo macmacaanka lagu iibiyo.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post