2574 Views

Al-Shabaab oo sheegtay weerar ka dhacay gegmada Hodan

Al-Shabaab oo sheegtay weerar ka dhacay gegmada Hodan
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—–Waxaa xalay Fiidkii Bam Gacmeed lagu weeraray guri uu deganaa gudoomiyihii hore ee degmada hodan Axmed Salaad Ibraahim kaas oo ku yaala qeybo ka mid ah degmadaasi Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Weerarkaas Bambaano ayaan wax khasaaro ah ka dhalan sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hodan.

Al-Shabaab ayaa waxa ay shegeen in ay weerareen Guriga Gudoomiyihii hore ee degmadaasi hodan Axmed Salad Ibraahim in gudoomiyihi hore uu sidirqi ah kaga badbaaday weerarka ay doonayeen in ay ku dilaan .sida lagu qoray Baraha Intarnetka ee Al-Shabaab ay maamulaan.

Xiriir aan la sameynay gudoomiyihii hore ee degmada Hodan oo weerarka lagu qaaday ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino Bam Gacmeedka xalay lagu weeraary gurigiisa ku yaalla degmada Hodan

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment