1617 Views

Shabaab sheegtay in ay dileen Taliyihii ciidanka Kenya ee degaanka Faxfaxdhuun

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 8, 2018 – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar Madaafiic ah ay ku dileen taliyihii Saldhigga Ciidamada Kenya ee ku yaalla degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Degaanka Faxfaxdhuun ayaa 70 KM u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 7 Madfac ay ku dhufteen Saldhigga,islamarkaana sidoo kale ay ku dhinteen Askar ka tirsan dowladda Kenya weerarkaasi.

“Taliyihii ugu sarreeyay saldhigga Ciidanka Kenya Ee Faxfaxdhuun iyo laba sarkaal oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeyn shalay lagu qaaday xerada ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ma jirto ilo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya geerida ku aadan Sarkaalkaan ciidamada Kenya u qaabilsanaa Xerada Deegaanka Fax faxdhuun.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment