306 Views

Dagaal Culus oo ka dhacay Hilowle-gaab, Saraakiil ku dhintay iyo Wararkii ugu danbeeyay

Dagaal Culus oo ka dhacay Hilowle-gaab, Saraakiil ku dhintay iyo Wararkii ugu danbeeyay
____________________________________________________________________________

Sabti: JANUARY 6, 2023

Dagaal culus oo u dhaxeya dadka degaanka iyo ciidamada dowlada oo isku dhinac ah iyo malayshiyaadka Alshabab ayaa saaka waabarigii ka qarxay degaanka Hilowle Gaab ee gobalka Shabellaha dhexe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkan uu bilowday qaraxyo is-miidaami ah oo lala eegtay saldhig ay leeyihiin ciidmada dowladda, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan.

Weerarkaan oo ku billowday gawaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxaa isa-soo taray khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo kuwa degaanka ah.

Saraakiisha iyo Askarta ku dhintay weerarkaasi ayaa waxa kamid ah Cabdulqaadir Teesto iyo Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Indhoole.

Saraakiil iyo ciidamo gurmad ah ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Hilowle-gaab, kuwaasi oo markii dambe fashiliyay qorshii Al-Shabaab ay ka lahaayeen deegaankaasi.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu  oo ka hadlay Weerarka  ayaa yidhi “Weerarada gaadmada ee xilliga waaberiga Khawaarijtu soo qaadaan waa in saraakiisheenu ay xal u keenaan. Xilliga ay qamandaxada iyo qamuunyadu saaran tahay ruux habeenkaa barjeynayay. Intaa bey awoodoodu ku soo ururtay. “

Si kastaba Degaanka Hilowle Gaab oo dabayaaqadii bishii hore laga qabsaday Al-shabab ayaa ku yaalla xadka goblada Shabellaha dhexe iyo Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post