2160 Views

Maxkamad Ku Taalla Garowe Oo Xukun Riday 6 Dhalinyaro ah

Maxkamad Ku Taalla Garowe Oo Xukun Riday 6 Dhalinyaro ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 25, 2017—Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan Maxkamada gobolka Nugaal  ay xukuno labo sanno ah ku riday lix dhalinyaro ah.

Dhalinyaraddaan ayaa lagu eedeeyay falal Amniga lidi ku ah Ammaanka in ay ka geysteen magaalada kadib markii lagu helay inay dhaawac ugeysteen, islamarkaana ay ka furteen moobaylkeedii Dhibbane lagu magacaabo Sundus Cabdiraxmaan Maxamed.

Maxamed xareed Cali Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud  ayaa sheegay dhalinyaradaan la xukumay inay ahaayeen arday maalintiina waxbarta habeenkiina caadaystay inay dadka jidadka u galaan oo ay furtaan. .

Lixda dhalinyaradda ee xukunka lagu riday ayaa lagu kala Magacaabaa:

Saacid Cabqaadir Xasan, Ina Xiddo Xasan, lagu xukumay 2 sanno.

Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan, Ina Seynab Cabdiraxmaan, lagu xukumay 2 sanno.

Maxamuud Cabdiqaadir Xuseen, Ina Shariifo Xasan, lagu xukumay labo sanno.

Cabdifitaax Salaad Maxamed , Ina Aamino Warsame, lagu xukumay labo sanno.

Shaakir Cabdi Noor Maxamed, Ina Raxmo Warsame, lagu xukumay labo sanno.

Jaamac Cabdi Jaamac, Ina Maandeeq Maxamuud, lagu xukumay labo sanno.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment