807 Views

Guddiga gurmadka abaaraha oo gargaar gaarsiiyay dadka ay abaarta saameysay

Guddiga gurmadka abaaraha oo gargaar gaarsiiyay dadka ay abaarta saameysay
____________________________________________________________________________

Sabti:February 26, 2022

Guddiga gurmadka abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisal wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gurmad kala duwan gaarsiiyay dadka ay abaartu saameysay eek u dhaqan mgaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Gurmadkan oo ka yimid dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la gaarsiiyay magaalooyin ay ka mid yihiin; Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Garbahaarreey, Waajid, Baardheere, Diinsoor, Baladweyne, Xudur iyo Dhoobley.

Boqollaal qoys oo ay si toos ah u saameysay abaarta ku dhufatay dalka, ayaa ka faa’iideystay gargaarkan deg degga ah, oo qeyb ka ah dadaalka dowladda oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka caalamku ugu jirto sidii loo caawin lahaa bulshada.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bishii Jannaayo bilowday duullimaadyo gargaar oo si toddobaadle ah u soo gaara Soomaaliya,kuwaas oo ay ka faa’iideysteen dad badan oo abaartu saameysay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somaaliya oo toddobaadkii hore ka hadlayay shirweyne  Qaran oo loo qabtay gurmadka abaaraha, ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ugu baaqay in ay deg deg ugu gurmadaan malaayiin shacabka abaartu hayso.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post