822 Views

Kulan looga hadlayay Amniga doorashada oo ka dhacay Teendhada Afisiyooni

Kulan looga hadlayay Amniga doorashada oo ka dhacay Teendhada Afisiyooni
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada oo ka dhacay teendhada Afasiyooni waxaana ka qeyb galay gudigga doorashada, ciidaamada amaanka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee ATMIS.

Shirkan oo saacad qaatay ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Guddigga Qabanqaabada Doorashada, ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amray in musharraxiinta imaaneysa hoolka dooraashada, xildhibanaada, kor-joogtada iyo suxufiyiinta loola dhaqmo si ixtiraam uu ku jiro.

Dhanka kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey dedaalka ciidanka amaanka ay wadaan iyo guddigaba, isaga oo musharaxiinta iyo cid kasta oo hoolka doorashada imaaneysa u sheegay in shaqada ciidanka lagu ixtiraamo taas looga gol leeyahay adkeynta ammaanka doorashada oo ku dhacda si nabdoon.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post