588 Views

Madaxweyne Joe Biden oo sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto hadii uu Mdaxweyne Putin uu kuduulo wadanka Ukraine

Madaxweyne Joe Biden oo  sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto hadii uu Mdaxweyne Putin uu kuduulo wadanka Ukraine
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 26, 2022

Caalamka ayaa isha kuhaya xiisadda katagaan xadka Ukraine iyo wadanka Ruushka ee ay isku hor fadhiyaan Militariga Ruushka iyo ciidamada xuladafada ree-galbeedka ee NATO iyadoo mar walbo lafilan karo in uu dagaal qarxo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay kadhalan karto hadii uu Mdaxweyne Putin uu kuduulo wadanka Ukraine sidookalena uu Cunaqabateyn ula beegsandoono gaar ahaan Madaxweyne Putin.

Goodinta Mr Biden ayaa kusoo adeyso iyadoo madaxda kale ee reer galbeedka ay ku celceliyeen marar badan digniino ah in Ruushku musiibo kala kulmi doono hadii uu duulaan kuqaado wadaka Ukraine oo haray uga tirsanaan jirtay Midowgii suufiyeetka la iskuoran jiray ee USSR.

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay khatar amni u aragto isbahaysiga militariga reer galbeedka NATO ee xadkeeda jooga.

waxayna sidoo kale dalbanayaan dammaanad qaad sharci ah oo ah inaysan xubno cusub lagu soo kordhin isbaheysiga NATO oo ay Kujirto dalka isaga dariska la ah ee Ukraine, balse Maraykanka ayaa sheegay in arrinta la isku hayo ay tahay gardarada Ruushka, ee aysan ahayn isballaarinta NATO.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post