633 Views

100 jir waardiye ahaa oo maxakamd loo soo taagayo inuu qayb ku lahaa dilka kumanaan qof

100 jir waardiye ahaa oo maxakamd loo soo taagayo inuu qayb ku lahaa dilka kumanaan qof
____________________________________________________________________________

Talaado: 1

Nin 100 jir ah oo la sheegay inuu waardiye ka ahaan jiray xeradii Naaziga ayaa maxkamad lagu soo taagi doonaa Jarmalka oo lagu eedeynayo inuu lug ku lahaa 3,518 dil, sida ay dacwad oogayaashu sheegeen.

Ninkaan oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu eedeeyey inuu gacan ka geystay dilka Maxaabiis ku sugneed Xeradda Sachsenhausen ee u dhow magaalada Berlin ee dalka Jarmalka intii u dhexeysay sanadihii 1942 -kii ilaa 1945 -tii. Dambiyada lagu eedeeyay waxaa ka mid ah ku lug lahaanshaha dilalka toogashada iyo adeegsiga gaaska sunta ah.

Isniintii shalay ayaa dacwad oogayaashu xaqiijiyeen in ninkaan maxakamd la soo taagi doona bisha Oktoobar ee soo aaddan.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ninkaan la marsiiyay qiimeyn caafimaad inkasta oo uu da ‘weyn yahay, haddana waxaa loo arkaa inuu ku habboon yahay inuu maxkamadda ka soo hor muuqdo laba saacadood iyo bar maalintii.

Xaqiijinta inuu ninkan u qalmo in maxkamad la soo taago ayaa waxaa markii ugu horreysay wax ka qoray wargeyska Jarmalka ee Welt am Sonntag Axaddii.

Wargeysku wuxuu soo xigtay hal garyaqaan, oo lagu mgacaaboThomas Walther, isaga oo sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka cabanaya ay filayaan in caddaalad la la marsiiyo ninkaan.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa sheegaysa in maxkamadeynta la filayo in lagu saleeyo mid ka mid ah dambiyadii ugu dambeeyay ee la xiriira xilligii Naazga. Dadkii ka badbaaday iyo kuwii falka gaystay hadda aad bay u gaboobeen.

Qiyaastii 200,000 oo qof ayaa lagu xiray xerada Sachsenhausen intii u dhaxaysay 1936 iyo 1945.

Dadka ka soo horjeeday siyaasaddii Naaziga, iyo maxaabiistii dagaalka ayaa ka mid ahaa kuwii ay halkaas ku xirtay SS, oo ahayd hay’addii dhanka amniga ugu weyned ee Naazigii Jarmalka..

Madxafka Sachsenhausen ayaa sheegaya in tobanaan kun oo maxaabiis ah ay ku dhinteen xerada kuwaas oo sababsaday gaajo, cudurro, shaqo qasab ah, falal dabargoyn ah iyo waxyaabo kale.

Jarmalka ayaa baacsanaya shaqaalihii hore ee xeradii Naasiyiintii tan iyo xukunkii taariikhiga ahaa ee 2011-kii dhacay kaas oo lagu riday waardiyihii hore, John Demjanjuk, inuu yahay nin gaystay dilal badan. Wuxuu dhintay isagoo racfaan qaatay, balse xukunku wuxuu muujiyay in sharcigu yahay kan mudan in la marsiiyo dadka dambiyada gaystay.Markii hore, maxkamaduhu waxay u baahnaayeen caddayn ku lug lahaanshahii tooska ahaa.

In kasta oo tirada dadka lagu tuhunsan yahay dambiyada Naazigii ay sii yaraanayaan, haddana xeer -ilaaliyeyaashu waxay weli isku dayayaan inay shakhsiyaad horkeenaan caddaaladda.

Bishii Luulyo sanadkii 2020-kii, nin 93 jir ah oo waardiye ka ahaa xero ayaa lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dilka in ka badan 5,000 oo maxbuus.

Balse bishii Maarso ee sannadkan, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in oday 96 jir ah oo la sheegay inuu horay u ahaan jiray ilaalada xerada uusan u qalmin in maxkamad la soo taago.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post