1473 Views

Human Rights Watch oo sheegtay in ciidamada Israa’iil ay galeen dambiyo dagaal.

Human Rights Watch oo  sheegtay in ciidamada Israa’iil ay galeen  dambiyo dagaal.
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 28 2021

Hay’adda u doodda xuquuqda aadnaha ee Human Rights Watch waxay sheegtay ciidamada Israa’iil iyo Ururrada hubeysan ee Falastiin iskahorimaad bishii May ee sanadkan Qaza ku dhex maray ay ka dhaceen dambiyo dagaal.

Kooxda baaritaanka sameysay waxay sheegeen seddex duqeymo oo dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil geysatay oo ay ku dhinteen 62 qof oo rayad ah ay u helin wax caddeyn ah oo muujinaya dadkaasi duqeynta ku dhintay iney dhinacyada hubeysan ay xiriir lalahayn.

Ciidamada Israa’iil waxay sheegeen duqeymaha ay Qaza ka geysatay iney ku bartilmaameedsaneysay saldhigyada ciidan oo keli ah.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay 4,300 oo gantaal oo dhanka Falastiin laga soo riday oo ku dhacay Israa’iil iney ahaayeen weerarro lala beegsaday dadka rayadka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post