948 Views

Soomaaliland iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixdey

Soomaaliland iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixdey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin, March 9, 2020 —Magaalada Hargeysa ee deegaannada Soomaaliland waxaa Maanta heshiis ku kala saxiixdey Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga & Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.

 

Heshiiskaan oo muddo laga soo Shaqeynayay ayaa waxaa uu yahay mashruuc lagu horumarinayo caddaalada iyo ciidamada ammaanka Somaliland,waxaana la sheegay in Heshiiskaan uu ku kacaayo lacag gaareysa ilaa 7 milyan oo Dollar.

 

 

 

Heshiiskaan ayaa waxaa siwadair ah u saxiixey Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga & Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin,iyaga oo sheegay in la Dhaqan gelin doono.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa uga mahad celiyey Midowga Yurub wada Shaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliland iyo caawinta ay hada iyo jeer la garab taagan yihiin Xukuumadda Soomaaliland.

 

Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa dhankiisa balan qaadey inay msharuucaan hirgelin doonaan,sidoo kalena looga baahan yahay Xukuumadda Soomaaliland ay dhankeeda gudato waajibka looga baahan yahay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment