942 Views

Iska hor imaad dhuusamareeb ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan CC Warsame iyo Cabdullaahi Kulane oo ah sarkaal katirsan NISA

Iska hor imaad dhuusamareeb ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan  CC Warsame iyo Cabdullaahi Kulane oo ah sarkaal katirsan NISA
____________________________________________________________________________

 

Axad: February 12, 2022

Isku dhacyo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xaafad katirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in ay u dhaxeysay ciidamo kala taabacsan hogaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Warsame iyo Cabdullaahi Kulane oo ah sarkaal katirsan NISA, oo labaduba halkaasi ujoogo howllo doorasho.

Ilaa hadda lama soo warin wax khasaara ah oo ka dhashay balse waxaa si weyn looga dareemay Guud ahaan Dhuusamareeb. Shaqaaqada ka dhacday Dhuusamareeb ayaa timid markii cidamo aan shaqo ku jirin islamarkaana aan wadan darees ciidan laga dhacay Moobeello ay wateen waxaana falkaas lagu eedeeyay ciidamo la socdo Cabdullaahi Kulane.

Booliska ayaa sheegay in ay qabteen askartii falkaas ka dambeysay balse waxa ka gaabsadeen in ay faah faahiyaan waxa ay ahaayeen ciidamada dagaalamay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post