1812 Views

Maleeshiyo Beeleed saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay degaanka Mira-cawleed degmada Galinsoor.

Maleeshiyo Beeleed saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay  degaanka Mira-cawleed degmada Galinsoor.
____________________________________________________________________________

Jimco August 27, 2021

khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal laba maleeshiyo Beeleed saacadihii la soo dhaafay ku dhex-maray degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo Aanooyin iyo Muran la xiriira Dhul-daaqsimeed, waxana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday ku dhawaad 10 Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaanka Mira-cawleed ayaa waxaa ay sheegeen inay weli degaanka isku hor-fadhiyaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, isla markaana la filan karo inay dagaalamaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post