1104 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda IOM

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda IOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatey Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM ayaa gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab.

 

“Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ku gumaadayaan ayuu yiri Axmed Madoobe.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah ay ku sameynayaan barnaamijkan, cida kashaqeysa iyo deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya si waxa la qabanayo uu u noqdo mid Soomaalida Anfacaya.

 

“Al-Shabaabka soo xaroonaya waa inay arkaan waxa markay duurka ku jireen ee ay dagaalamayeen ay aaminsanaayeen iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dowladnimada ee ah wax diinta ka baxsan wax ka badalan sidaa daraadeed waa in loo helaa culimo diin ahaan ugu sharaxda farqiga xagjirnimada iyo Dowladnimada si ay u fahmaan khaladka ay kujiraan uguna tanaasulan dad laynta iyo fikradaha xagjirka ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment