525 Views

Qorshaha xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo la shaaciyey

Qorshaha xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Xamza Cabdi Barre  oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta helay kalsoonida baarlamaanka ayaa jeediyey khudbad uu ku soo koobay balan qaadkiisa waxa uu qaban doono, isagoo aad ugu mahad celiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku aaminay masuuliyadaan.

Wuxuu soo bandhigay qodobo ay xoogga saari doonto xukuumaddda uu soo dhisi doono, kuwaas oo kala ah dhinacyada amniga, garsoorka iyo caddaaladda, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, wadahadallada Somaliland, dimoqraadiyadaynta, doorashooyinka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, isla xisaabtanka, dhameystirka dastuurka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisanaa doonta danta dalka, sida uu balan qaaday Xamza Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu balan qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

Si riyadaasi ugu hir-gasho wuxuu sheegay Xamza in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Isagoo baarlamaanka hortiisa ku soo bandhigaya soo yaalkiisa wuxuu yiri, “Waxaan noloshayda, dhinac aqoon, waxbarasho iyo mid khibradeedba ku soo kasbaday xirfado kala duwan oo aan intooda badan ugu adeegay bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan ahaa macalin wax ka soo dhigay jaamacadaha dalka, ka soo shaqeeyay xafiisyada dawladda, heer federal iyo mid goboleedba, kana soo qayb qaatay geeddi socodka dib-u-dhiska dalka.”

“Waxaan sanadihii la soo dhaafay si dhaw ula socday xaaladda dalkeennu ku jiray, waxaan wax badan ka fahamsanahay baahiyaha dadkeenna iyo caqabadaha ina horyaalla, taas oo haddii Allaha wayni ogolaado ii sahli doonta in aan qayb ka noqdo xalka aan u raadinayno cagabadahaas,” ayuu yiri R/Wasaare Xamza oo baarlamaanka ka hor hadlayey.

Maadaama uu maanta helay kalsoonida baaralamaanka balan qaadyadiisa waxaa ku jirtay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti, hufnaan khibrad iyo waayo aragnimo ka tarjumaysa baahiyaha kala duwan, dalkana u horseeda xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, sida uu khudbadiisa ku sheegay.

220 Xildhibaan oo soo xaadirtay kulankii maanta ee golaha shacabka oo ajandihiisu ahaa in cod loo qaado Ra’iisul Wasaaraha waxay si buuxda kalsoonidooda u siiyey Xamza Cabdi Barre, waxaana lagu hor dhaariyey golaha.

Wuxuu ugu dambeyntii xildhibaanada uga mahad celiyey kalsoonida ay ku siiyeen codkooda, wuxuuna balan qaaday in xukuumadiisu ay si dhow ula shaqey doonto baarlamaanka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post