714 Views

Meydka Maradona oo la keydiyay gabadh sheegtay in aabeheed uu yahay

Meydka Maradona oo la keydiyay gabadh sheegtay in aabeheed uu yahay
____________________________________________________________________________

Meydka xiddigga kubadda cagta Diego Maradona “waa in la keydiyaa” sababo la xiriira kiis ku saabsan gabadh sheegtay in aabeheed uu yahay, ayaa lagu yiri xukun ay ridday maxkamad ku taalla Argentine.

Maradona ayaa bishii la soo dhaafay wadno istaag u dhintay, isagoo jiray 60 sano.

Maxkamadda oo ka falcelineysa kiis ay soo gudbisay haweeney sheegtay in laga yaabo in Maradona uu aabbaheed yahay, ayaa waxay amartay in dhiigga hidda-sidaha laga soo qaado cayaar yahanka.

Waxaa jira labo gabdhood oo ay xaas hore u dhashay. Kaddib markii ay kala tageen wuxuu sheegay inuu dhalay lix carruur oo kale.

Kiiska waxaa soo gudbisay Magalí Gil oo 25 jir ah, taas oo aan ku jirin lixda carruur ee uu sheegay Maradona.

Ms Gil, oo ay qoys kale korsadeen, ayaa sheegtay in hooyadii dhashay ay la soo xiriirtay labo sano kahor ayna u sheegtay in laga yaabo in aabbaheed “uu yahay Diego Maradona”.

Muuqaal ay soo dhigtay barta Instagram-ka, ayay Ms Gil ku sheegtay inay “xaq caalami ah” ogaanshaha”Haddii Diego Maradona uu yahay aabbaha i dhalay iyo in kale”.

Kaddiib geeridiisii 25-kii November, Maradona waxaa lagu aasay qabuuro gaar ah oo u dhow Buenos Aires. Maxkamad ayaa 30-kii November xukmisay in meydkiisa aan la gubin ilaa lagu sameeyo baaritaanka loo baahan yahay.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in qareenka Maradona uu u sheegay in dhiigga hidda-sidaha ee DNA ee cayaar yahanka haatanba la hayo. Isla markaana aan loo baahneyn in la soo faago meydkiisa.

Maradona wuxuu ka tegay hanti dhaxal ah oo ay adag tahay in la qeybiyo taas oo ay ku dagaallameen carruurtiisa la ogyahay iyo kuwa haatan kiisaskooda geeyay maxkamadda.

Geeridiisa keliya naxdin kama abuurin gudaha Argentina balse waxay gilgilashay caalamka iyadoo boqollaal kun oo taageere u ahaa cayaar yahanka ay isugu yimaadeen si ay u xusaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post