984 Views

Deni iyo Qoor-Qoor oo tagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Deni iyo Qoor-Qoor oo tagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 25-2020–Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Barqonimadii maanta tagay Wafdi wadajir ah oo ka kooban Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Maamulka Magaalada, Xildhibaanno, Senataro, Siyaasiyiin, Odoyaal dhaqameed iyo dad loo sii diyaariyay soo dhaweynta ayaa ka qaybgalay soo dhaweynta Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa la adkeeyay, waxaana xalay lasii geeyay Ciidamo katirsan ilaalada Madaxda, waxaana lagu biiriyay Askar ku sugan Magaaladaas oo qayb ka qaadaneysa sugidda ammaanka.

Ujeedka Madaxweyne Deni uu u tagay Magaalada Cadaado ayaa ah u kuur-gelidda ammaanka Deegaannada Galmudug, casumaadda madax Goboleedyada ee Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor ee safarada ku tagay deegaannadaas sida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Magaalada Cadaado waa xaruntii KMG ahayd ee Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana halkii laga amba-qaaday wada hadalkii Maamulka loogu raray Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Ahlu sunna.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu qorshuhu yahay in safar dhulka ah uu ku tago Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, isaga oo sii maraya Deegaannada Galmudug ee u dhaxeeya Cadaado iyo Magaaladaas.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor uu safar dhulka ku geynayo Deni Deegaanno dhowr ah oo dhaca Gobolada Galgaduud iyo Mudug dhanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dib ugu laaban doono markaas kadib Magaalada Cadoodo oo uu kulamo kula qaadan doono Odoyaasha dhaqanka, qaybaha bulshada iyo siyaasiyiin halkaa kula ballansan.

afiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post