1356 Views

Farmaajo oo goordhawayd qaabilay Agaasimaha KMG ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe.

Farmaajo oo  goordhawayd  qaabilay Agaasimaha KMG ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe.
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

Wararka ka imaanaya Villa  Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday  Farmaajo uu goordhow qaabilay Agaasimaha KMG ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in farmaajo uu kala hadlay Goobe sidii uu xilka kala wareegi lahaa agaasimihii hore Fahad yaasiin..

Sidoo kale Qaabilaadan ayaa u muuqata inuu Madaxweynaha aqbalayo magacaabida Agaasimaha KMG ee Hey’adda NISA, sidoo kalena loo arki karo inuu ka tanaasulayo mowqifkiisa diidmada ee shaqo ka joojintii Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin uu ku sameeyay Raisal Wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post