1032 Views

Mucaaradka Sudan oo shacabka ka dalbadey in la godoomiyo qasriga madaxtooyada

Mucaaradka Sudan oo shacabka ka dalbadey in la godoomiyo qasriga madaxtooyada
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

  Xoogagga siyaasadda ee Sudan, ayaa qorsheynaya iney abaabulaan dibadbaxyo cusub saacadaha soo socda, si ay u dalbadaan in xukunka lagu wareejiyo dad rayid ah, sida ay sheegeen warbaahinta maxaliga ah.

Maamulka Sudan ayaa xirey buundooyinka muhiimka ah iyo waddooyinka waa weyn ee magaalada Khartoum, tan iyo habeenkii jimcaha, iyadoo ay joogaan jidadka ilaalo xoogan, halka la jarey adeegii Internet-ka tan iyo subaxnimadii hore ee maanta.

Xarunta madaxtooyada, xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo taliska ciidanka xoogga dalka, ayaa waxaa la geeyey ciidamo aad u fara badan, iyadoo guddiyada wax iska caabinta qaarkood ay ku baaqeen in la godoomiyo xarunta madaxtooyada.

Xoogagga xoreynta iyo isbeddelka hoggaankoodda golaha dhexe, ayaa ku dhawaaqey iney kamid noqonayaan dadka sameynaya isu soo baxa socodka ah.

Tan iyo markii taliyaha ciidamada, Cabdulfataax Al-Burhan, ayaa ku dhawaaqey 25-kii bishii ina dhaaftey ee October xaalad deg deg ah, iyago kala diristii Golaha Qaranka iyo golihii wasiirada.

Dalka Sudan ayaa waxaa ka dhacey qalalaase siyaasadeed oo ba’an, taasi waxaa marqaati ka ah dibad baxyo is daba joog ah oo dadweyne oo lagu diidayo arrimahaas go’aanadaas.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatey labaddii maalmood ee lasoo dhaafey, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk, uu ku hanjabay inuu is casili doono, isla markaana uu dib ugu noqon doono booskiisii.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post