573 Views

Mareykanka iyo Ruushka oo ka wada hadlay dagaalka Ukraine

Mareykanka iyo Ruushka oo ka wada hadlay dagaalka Ukraine
____________________________________________________________________________


khamiis: March 17, 2022

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ayaa waxaa lagu sheegay in La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu la hadlay General Nikolay Patrushev, xoghayaha golaha ammaanka ee Ruushka, kaasi oo noqonaya xiriirkii ugu horeeyay ee heer sare ah oo dhexmara Washington iyo Moscow tan iyo markii Ruushka uu galay Ukraine.

Sullivan ayaa u sheegay Generaal Patrushev sida uu Maraykanku uga soo horjeedo dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine isaga oo yiri “haddii Ruushka uu dhab ka yahay Wadahadal diblumaasiyadeed, waxaa uu joojin lahaa dagaalka uu ku hayo Magaalooyinka Ukraine.

Mareykanka ayaa Ruushka ku soo rogay Cunaqabateyno dhaqaale, si loogu caddaadiyo in uu joojiyo dagaalka uu ka wada Ukraine oo galay Saddex toddobaad oo aysan weli muuqan xabbad joojin rasmi ah

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post