987 Views

shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Garowe iyo Qardho ee Puntland.

shil gaari oo ka dhacay  inta u dhaxeysa magaalooyinka Garowe iyo Qardho ee Puntland.
____________________________________________________________________________

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaadiid oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Shire Dhogor-libaax oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Garowe iyo Qardho ee Puntland.

Shilka ayaa ka dhashay gaadiid xamuul ah oo isku dhacay, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay laba qof, sidoo kale dhaawacyo ayaa la sheegay inay jiraan.

Warbaahinta deegaanada Puntland ayaa ku soo warantay in shan gaari oo xamuul ah ay isku dhaceen, kuwaas oo burbur badan uu soo gaaray, sidoo kale hanti badan ayaa la sheegay inay ku khasaartay shilkaas.

Shilka ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxaana la sheegay in meydadka dadkii ku dhintay ay xalay ku hoos hoydeen gaadiidkii la qogmaday oo ku fariistay.

Saraakiil ka tirsan ilaalada waddooyinka Puntland ayaa saakay warbaahinta u sheegay inay gurmad u direen halka uu shilkaas ka dhacay.

Shilalka gaadiidka, ayaa aad ugu badan laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida Garowe iyo Boosaaso iyo Qardho iyo Garowe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post