1464 Views

Madaxweynaha Tunisia oo lagu eedeeyay ‘Inqilaab’ kadib markii uu shaqada ka ceyriyay Ra’iisul wasaaraha

Madaxweynaha Tunisia oo lagu eedeeyay ‘Inqilaab’ kadib markii uu shaqada ka ceyriyay Ra’iisul wasaaraha
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Tunisia ayaa shaqada ka joojiyay baarlamaanka wuxuuna shaqada ka ceyriyay Raiisul wasaare Hichem Mechichi waxaana tilaabadaasi lagu tilmaamay mid lagu weerarayo dimuqraadiyadda curdunka ah ee dalkaasi, laakiin taageerayaasha ayaa soo dhaweeyay oo dabaaldegyo ka dhigay waddooyinka.

Madaxweyne Kais Saied ayaa sheegay in uu la wareegi doono awooda fulinta isaga oo gacan ka helaya Ra’iisul wasaare cusub ka dib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Tunisia kuwaas oo salka ku hayey qaabka ay dawladu u maareysay cudurka COVID-19 dhaqaalaha wadanka.

Waa caqabadda ugu weyn ee weli hortaagan dastuurkii 2014 ee kala qaybiyey awoodaha madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo baarlamaanka.

“Dad badan ayaa lagu khiyaaneeyey munaafaqnimo, khiyaano iyo dhac xuquuqda dadka,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray oo uu ku daabacay warbaahinta dowladda.

“Waxaan uga digayaa cid kasta oo ku fikireysa inay hub adeegsato… iyo cidii xabbad rida, ciidamada qalabka sida ayaa ku jawaabi doona rasaas,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sidoo kale laalay xasaanadii xubnaha baarlamaanka, isagoo ku adkeystay in ficiladiisa ay waafaqsan yihiin dastuurka.

Bayaanka ayaa daba socday kulan deg deg ah oo ka dhacay qasrigiisa ka dib markii kumanaan reer Tunisia ah ay socod ku mareen magaalooyin dhowr ah, iyadoo ka caraysan in la joojiyay shaqada xisbiga Ennahdha oo ah kan ugu weyn baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka Tunisia Rached Ghannouchi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Saied inuu bilaabay “afgambi ka dhan ah kacaanka iyo dastuurka” kadib talaabada.

“Waxaan u aragnaa hay’adaha in ay weli taagan yihiin Ennahdha iyo dadka reer Tunisia waxay difaaci doonaan kacaanka,” ayuu yiri Ghannouchi, oo madax ka ah Ennahdha, khadka taleefanka ayuu ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xisbiga ayaa sidoo kale cambaareeyay talaabada madaxweynaha oo ah “afgambi dowladeed oo ka dhan ah kacaanka”.

“Waxa Kais Saied sameynayo waa afgambi dowladeed oo ka dhan ah kacaanka iyo dastuurka, xubnaha Ennahdha iyo dadka reer Tunisia-na way difaaci doonaan kacaanka,” Ennahdha ayaa ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Saied wuxuu ku mashquulsanaa khilaafyada siyaasadeed ra’iisul wasaare Mechichi in ka badan hal sano, maaddaama waddanku la daalaa dhacayo dhaqaale xumo, iyo cudurka faafa ee COVID-19.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post