951 Views

Maamulka Xamar Jajab oo u digay Ganacsatada degmadaas

Maamulka Xamar Jajab oo u digay Ganacsatada degmadaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab ee Gobolkan Banaadir Guhaad Sheekh Xasan ayaa shacabka degmada gaar ahaan Ganacsatada ugu digay iney waxyaabaha aan u wanaagsaneyn bilicda iyo caafimaad qabka dadka ay ku shubaan wadada iyo goobaha kale ee danta guud.

 

“Tiro dhowr jeer ah oo aan nadiifinayna waxay ku soo baxday si fiican oo nadiif ah,balse wuxuu culeys ka yimid dhanka goobaha ganacsiga oo nala garan waa maadaama habeenkii aan nadiifineyno in iyagana maalintii ay ka ilaaliyaan wasaqda,” ayuu yiri guddoomiye Guhaad.

 

 

 

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Guhaad Sheikh Xasan ayaa Bulshada degmada Xamar Jajab ugu baaqay iney lagama maarmaan ay tahay ilaalinta deegaanka iyo bilicda intaba.

 

Hadalkaan ayaa guddoomiyaha degmada Xamar Jajajab waxaa uu sheegay xilli Maamulka degmada ay wadaan olole nadaafeed oo dib loogu soo celinayo bilicda xaafadaha kala duwan ee ay ka  kooban tahay degmadaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment