756 Views

Dadka COVID-19 ugu geeriyooday Soomaaliya oo kordhay

Dadka COVID-19 ugu geeriyooday Soomaaliya oo kordhay
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 6da Maarso, 2021:
-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 191 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan gobolka Banaadir 144, Somaliland 31 iyo Jubbalanad 16.

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay in 20 qof ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen Soomaaliya 48-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 294 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 31 qof, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 3,932.

Soomaaliya ayaa tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee ay ilaa hadda diiwaangelisay ku sheegtay 8,041 qof oo uu haleelay cudurkan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post