264 Views

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Benzema oo markii ugu horreysay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Benzema oo markii ugu horreysay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 18, 2022

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska, Karim Benzema, ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaartoyga ugu fiican sannadkan, waana markii ugu horraysay uu helo abaalmarinta Ballon d’Or.

Benzema wuxuu 46 ciyaarood oo uu saftay dhaliyey 44 gool, waxaanu horseed u ahaa guushii ay kooxda Real Madrid ka gaartay koobka horyaalka La Liga ee dalka Spain iyo horyaalka Yurub ee Champions League.

Lionel Messi ayaa hadda ka hor 7 jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or halka Cristiano Ronaldo uu hantay 5 jeer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post