1755 Views

Khilaaf Maamul oo ka jira degmada Buulo-Burde

Khilaaf Maamul oo ka jira degmada Buulo-Burde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2019–Maalin ka hor ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle uu Guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan,hayeeshee waxaa Magacaabistaas ka horyimid Odayaasha & waxgaradka Magaaladaas.

 

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Buulo Burde ayaa sheegay in Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle ay khilaaf ka dhex abuurayaan Bulshada Buulo Burde,hayeeshee aysan ka aqbaleyn.

 

 

 

Waxaa ay sheegeen in Madaxda Hir-Shabeelle ay horay ugu heshiiyeen in Gole deegaan loo sameeyo degmada,balse taasi ay ka baxeen,waxaana ay sheegeen inaysan ogolaaneyn in degmada uu ka Shaqeeyo Maamul la soo Magacaabo.

 

Maamulada dgemooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa inta badan ka dhaca is qabqabsi dhinaca Maamulka ah,waxaana xusid mudan in dhamaan Madaxda ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Baladweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment