1704 Views

Banaan-baxyo rabshado isku badalay oo ka socda Magaalada Tel Aviv

Banaan-baxyo rabshado isku badalay oo ka socda Magaalada Tel Aviv
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-Dad lagu qiyaasay 30,000 oo ruux ayaa isugu soo baxay Magaalada Tel Aviv ee bartamaha Isreal, waxa ayna ka cabanaayeen dil siyaabo kala duwan loogu geystay Isreal 24 ruux oo dhamaantood haween ahaa.

Mudaharaadayaasha oo watay dhar madoow ayaa ku dhawaaqayey “Dhiiga haweenka ee la daadiyay ma iloobi doono umana dulqaadan doono”, waxa ayna ka careysnaayeen sida Dowladda Yahuuda ay kaga aamusantahay dilalkaasi oo aynan jirin cid loo soo qabtay oo cadaaladda la hor keenay.

Waxa ay aamusnaayeen 24 daqiiqo ay sheegeen in ay ku xusayeen haweenka la dilay, balse waxa ay xaalada xumaatay oo uu jawiga is badalay markii Boolisku ay damceyn in bananbaxayaasha ay kala eryaan si ay wadooyinka u furaan balse bananbaxayaasha ay iska diideen awaamiirta Booliska.

Qaar kamid ah dadka abaabulay bananbaxayaashi ayaa sheegay in xaalka uu sii xumaan doono hadii dowladda sidaan kaga sii aamusnaato dilalka loo geysto haweenka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment