993 Views

Saraakiisha Maraykanka oo aqoonsaday ninkii dadka dabbaaldagaya gaariga ku jiirsiiyey gobolka Wisconsin

Saraakiisha Maraykanka oo  aqoonsaday ninkii dadka dabbaaldagaya gaariga ku jiirsiiyey gobolka Wisconsin
____________________________________________________________________________

Isniin: November 22, 2021

Ilo wareegyo ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in Darrell Brooks uu ahaa ninkii gaariga jiirsiiyey dadkii magaalada Waukesha ugu dabbaaldagayey ciidda masiixiga, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka afartan kalena ay ku dhaawacmeen.

Carruur kuwa iskuulka ah iyo dad qoob ka ciyaar samaynayey ayaa la rumaysan yahay in ay ku jireen dadkii dhibaatadu ka soo gaartay mashaqadii Axaddii halkaa ka dhacday.

Booliisku wali si rasmi ah uma magac dhabin qofka la tuhunsan yahay.

Sid ay saraakiishu sheegeenna falkani “haatan” uma muuqdo mid argagixiso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post