360 Views

Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii

Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii
____________________________________________________________________________

Sabti: February 11, 2023 

 Dagaalka u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo millateriga Somaliland ayaa saaka galay maalintii lixaad, iyadoo aysan dhaqangelin xabbad-joojin ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka ayaa saaka weli ka socda bannaanka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaaro ka dhashay.

Mid kamida dhakhaatiirta isbitaalka Gargaar ee magalada Laascanood ayaa laguso warramayaa in uu geeriyooday kaddib markii rasaastu ay ugu tagtay isbitaalka isagoo howlo daweyn mutadawac nimo ah ku guda jira.

Dhanka kale bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa saaka war saxaafadeed lagu daabacay lagu sheegay in xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqeen aysan dhanka kale kale addeecin oo saakay ay weerar ku soo qaadeen.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.”

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu.”

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post