1443 Views

Mareykanka oo taallo u dhisaya Askartii uga dhimatay dagaalkii Muqdisho

Mareykanka oo taallo u dhisaya Askartii uga dhimatay dagaalkii Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday dhisamaha Taallo loo dhisayo Ciidamadii Mareykanka uga geeriyooday dagaallada uu ka galay dibadda.

Taalladan ayaa la sheegayaa in lagu xusuusanayo askarta Mareykanka ee ku dhintay dagaalkii 2aad ee Adduunka iyo dagaalladii kale ee uu galay Mareykanka.

Dagaalladaas waxaa ka mid ah dagaalkii October 1993dii uu ku galay Muqdisho laguna dilay 18 ka mid ah Askarta Mareykanka.

Sharri Briley, waxaa ay ahayd xaaska Askari ka mid ahaa kuwii Mareykanka ee lagu dilay Muqdisho kaas oo lagu magacaabi jiray,Donovan Briley, waxaa ay sheegtay in markii uu warkaas soo gaaray la xiriira dhismaha taallada ay ooyin is celin weysay.

Waxaa uu ka soo jeeday Gobolka Arkansas ee dalka Mareykanka waxaana uu ka mid ahaa Askartii Mareykanka ee ku dhintay dagaalkii Muqdisho.

Haweeneydan ayaa sheegtay Ninkeeda in uu ka mid ahaa Askarta u dhintay mustaqbalka carruurtooda maantana ay ku faraxsantahay in Ninkeeda iyo Askartii kale ee dhimatay loo sameeyo taallo lagu xusuusto.

Dhismaha Taallada waxaa ku baxaya lacag gaareysa $400,000 oo doollarka Mareykanka taas oo ay iska ururiyeen askarta howlgabka ah ee Milatariga Mareykanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment