1641 Views

Ganacsade Bashiir Gaboobe oo lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi.

Ganacsade Bashiir Gaboobe oo  lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi.
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Ganacsade Bashiir Gaboobe ayaa maanta waxaa lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi.

Bashiir ayaa dhawaan habeenimo laga afduubtay isagoo maraya meel kamid ah Nairobi, kadibna baabuurkiisa oo la gubay ayaa laga helay hawd aan sidaa uga fogeyn caasimadda.

Maalmo kadib, Bashiir meydkiisa ayaa laga helay Mwea oo ka tirsan deegaanka Kirinyaga.

Bashiir wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo ka yimid dalka Mareykanka.

Wuxuu dalkan Kenya ku maal-galiyey ganacsi kala duwan, isagoo dhanka kale qandaraasyo badan ka helay dowladda.

Waxaa jira warar kala duwan oo la isla dhex marayo, laakiin maanta ayey dowladda Kenya qolada u qaabilsan baaritaanka meydka, waxey sheegeen in Bashiir Gaboobe lagu diley ceeji.

Baaritaanka dilka ganacsadahan iyo sababihii ka danbeeyey ayey dowladdu sheegtay in ay sii wadi doontaa, illaa iyo laga gaarayo natiijo sax ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post